7 faa'iido oo laga dhaxlo akhrinta buuggaagta
Waxa la sheegaa in akhrinta dhamaanba buugaagta wanaagsani, inay ka dhigan tahay adiga oo la sheekaysanaya maskaxihii noola ee dunida soo maray. Hery David Thorean ayaa waxa uu leeyahay buugaagtu waa macdanta kaydsan ee caalamka, sidoo kalena waa dhaxalka ugu qaalisan ee jiilal iska dhaxlaan. Kriti Raj ayaa isagunna waxa uu leeyahay odhaah cajiiba oo tidhaahda "Buugaagtu waa macallinka ugu wanaagsan, waayo sababtu tahay bog kasta iyo cutub walba wax baynu ka baranaynaa ama ina barayaan". Akhriste haddaba waxa aynu si kooban isula eegi doonnaa, toddoba faa'iido oo lagu kasban karo akhrinta buuggaagta. 1: Akhrinta buugaagta waxa laga helaa aqoon iyo khibrad kobcinaya maankaaga, korinayana afkaarahaaga iyo aragtiyahaaga. 2: Akhrinta buugaagtu waxa ay kor u qaadi kartaa awoodda maskaxdaada iyo isku xidhnaanteeda, waana mid ka mid ah faa'iidooyinka waaweyn ee akhriska buugaagta. Dhakhaatiirta 'Neuroscientists' waxa ay ogaadeen in akhrinta buugaagta sheeko fan...
