7 faa'iido oo laga dhaxlo akhrinta buuggaagta
Waxa la sheegaa in akhrinta dhamaanba buugaagta wanaagsani, inay ka dhigan tahay adiga oo la sheekaysanaya maskaxihii noola ee dunida soo maray.
Hery David Thorean ayaa waxa uu leeyahay buugaagtu waa macdanta kaydsan ee caalamka, sidoo kalena waa dhaxalka ugu qaalisan ee jiilal iska dhaxlaan.
Kriti Raj ayaa isagunna waxa uu leeyahay odhaah cajiiba oo tidhaahda "Buugaagtu waa macallinka ugu wanaagsan, waayo sababtu tahay bog kasta iyo cutub walba wax baynu ka baranaynaa ama ina barayaan".
Akhriste haddaba waxa aynu si kooban isula eegi doonnaa, toddoba faa'iido oo lagu kasban karo akhrinta buuggaagta.
1: Akhrinta buugaagta waxa laga helaa aqoon iyo khibrad kobcinaya maankaaga, korinayana afkaarahaaga iyo aragtiyahaaga.
2: Akhrinta buugaagtu waxa ay kor u qaadi kartaa awoodda maskaxdaada iyo isku xidhnaanteeda, waana mid ka mid ah faa'iidooyinka waaweyn ee akhriska buugaagta.
Dhakhaatiirta 'Neuroscientists' waxa ay ogaadeen in akhrinta buugaagta sheeko faneedka ahi ay kor u qaadi karaan hawlaha maskaxda iyo heerarkeeda kala duwan.
3: Akhrinta buugaagtu waxa ay kor u qaadi kartaa heerka luuqadaada iyo hadba luuqada aad wax ku akhrinaysid, waxana aad ku baranaysaa erayo cusub oo anfaca af-aqoonimadaada.
4: Akhrinta buugaagtu waxa ay kaa dhigi karaan qoraa wanaagsan, waxana aad ka baranaysaa akhrinta buugaagta, xirfadaha wanaajinta qoraalka, astaamaynta iyo isku xidhnaanta hadalka. Xikmad baana tidhaahda "haddii aad doonayso inaad noqoto qoraa wanaagsan, mar ka hore waa inaad noqotaa akhriste wanaagsan".
5: Akhrinta buugaagta sheeko faneedka ama mala-awaalka ah waxa aad ka helaysaa madadaalada aan dhamaadka lahayn, waana mid ka mid ah faa'idooyinka ugu caansan ee akhriska buugaagta. Waxa jirta odhaah cajiib ah oo tidhaahda" suurto-gal maaha inaad ku cidlooto ama wehel la'aan ku dareento qol ay yaalaan tiro buugaag ah oo kala duwani".
6: Akhrinta buugaagtu waxa ay kaa caawinayaan dhimista walaaca, walbahaarka iyo buufiska (Stresska) , sida lagu ogaaday cilmi baadhis ay soo saareen aqoon-yahano jaamacaddeed taasi oo ay ku sheegeen in haddii lix daqiiqo oo keli ah qofka buufiska (stresska) hayaa uu u fadhiisto akhris ay taasi hoos u dhigayso heerkii stresska 70%!.
7:Akhrinta buugaagtu waxa ay wanaajiyaan shakhsiyada qofka akhristaha ah, waayo qofka wax akhriyaa waxa uu yeesha caadooyin wanwanaagsan oo uu ka dhaxlo wax akhriska.


Comments
Post a Comment